Wasiiradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay in Dowladda Mareykanka ay cafisay in ka badan hal Bilyan oo doollar oo ka mid ah deyntii ay ku lahayd Soomaaliya.
Biixi Iimaan Cige Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan shuruudihii dayn-cafinta ee lagu heshiiyay si rasmi ah loo buuxiyay, iyada oo dowladda Mareykanka ay noqotay midda ugu badan ee deynta ku leh Soomaaliya.
Sida oo kale Biixi ayaa ku dhawaaqay in Dowladda Mareykanka ay cafisay Soomaaliya lacag dhan $1.14 bilyan oo doolar, taasi oo qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dib u habeynta dhaqaalaha dalka, isaga oo ku sifeeyey in ay ka dhigan tahay fursad weyn oo Soomaaliya heshay.
“Waxaa maanta soo dhameystirmay shuruudihii deyn cafinta ee na loogu masaxi lahaa buugga, dowlado badan ayaa nagu lahaa dayn, Dowladda Mareykanka oo ah tan ugu badan ee deynta nagu leh ayaa naga cafisay lacag gaareysa 1.14 bilyan.” Ayuu yiri Wasiir Biixi.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley oo isna hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku dhawaaqayaan in ay dhameystireen in 1.14 billion oo dollar ay Soomaaliya ka cafiyeen.
HBN ONLINE T V