Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta logu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka, ka dib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz.
war uu baahiyey xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in uu kulamo muhiim ah la qaadan inta uu joogo dalkaasi Olaf Scholz, iyaga oo ka hada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalayo Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, waxaana dowladda ay dalalka ka qeyb galaya la wadaagi doontaa sida muhiimad gaar ah ugu leedahay.
Soomaaliya ayaa waxaa dalalka adduunka ay la wadaageysa in la maalgashado. Safarka Madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay soo cilaaqaadka iskaashiga ee Jarmalka oo ah dal ay ku qeexday mid muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.
HBN ONLINE TV