Ugu yaraan 55 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah ayaa ku dhintay xeebaha u dhaxeeya Spain & Waqooyiga Afrika, xilli dadkaasi ay isku dayayeen inay gaaraan Jasiiradaha Canary, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dalka Spain, EFE, Axaddii.
Ilaalada xeebaha ee dalka Spain ayaa sidoo kale badbaadiyay 1,786 qof oo safar ugu jiray mid ka mid ah waddooyinka ugu khatarta badan ee muhaajiriinta.
Masiibadan weyn ayaa waxay dhacday ka dib markii doon alwaax ah oo ka baxday waqooyiga Mauritania ku dhawaad saddex toddobaad ka hor, intii aan la helin iyada oo sabaynaysa 370 kiiloomitir koonfurta jasiiradda Spain ee El Hierro Sabtidii.
Markii ay ilaalada xeebaha Spain gaareen, goobtaasi kaliya 10 qof ayaa saarnaa doonida. Waxay sheegeen in doonidu siday 58 rakaab, laakiin inta kale ay dhinteen oo badda lagu tuuray.
Markaas ka dib, galabnimadii Axadda, doon kale ayaa ku degtay 90 kiiloomitir meel u jirta xeebta jasiiradda Lanzarote.
Ilaalada xeebaha ayaa soo helay shan mayd, laakiin waxay ku guuleysteen inay badbaadiyaan 17 qof.
Isla hawlgalkan, waxay badbaadiyeen 80 muhaajiriin oo dhibaato ku qabay doon kale oo ag taal.
Hawlgal kale ayaa waxay ku soo heleen meydka haweeney ka dhacday dooni bilowday inay sabayso, halka 54 qof ee kale ee saarnaa doonida la badbaadiyay.
Guud ahaan, sida wakaalada wararka EFE ay soo werisay muhaajiriinta la badbaadiyay, ayaa tiradoodu dhan tahay 815 waxaana la geeyay jasiiradda Lanzarote, 754 kale ayaa loo qaaday deegaanka El Hierro, 157 ruux ayaa sidoo kale loo qaaday Fuerteventura, halka 60 qof oo kalena la geeyay Tenerife.
Bishii la soo dhaafay, dowlad-goboleedka Jasiiradaha Canary ayaa si xooggan u codsatay caawinaad si ay ula tacaalaan qulqulka muhaajiriinta. Xarumo badan oo loogu talagalay dhalinyarada muhaajiriinta ee gobolka ayaa buux dhaafay.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, in ka badan 45,000 oo qof oo muhaajiriin ah ayaa si aan sharci ahayn ku galay Spain, laga soo bilaabo Janaayo 1-deedii ilaa Oktoobar 15 ee sanadkan.
Dhanka kalena sida laga soo xigtay hay’adda aan dowliga ahayn ee Walking Borders, waxaa la qiyaasayaa in 5,054 qof ay ku dhinteen safarkooda intii lagu jiray shantii bilood ee ugu horreeyay sanadkan.
HBN ONLINE TV