Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in dalkiisu uu wado dadaallo aan kala joogsi lahayn oo uu ku doonayo in lagu xalliyo khilaafka hadda ka dhex jira Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo la samaynayo heshiis guud oo ku habboon labada dhinac.
Hakan Fidan oo dalka Jabuuti kaga qayb galayay shirka Afrika & Turkiga ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya la ixtriaamo madaxbanaannideeda iyo midnimada dhuleed, iyo sidoo kale sida ay lagama maarmaanka u tahay in Itoobiya ay hesho marin badeed.
“Anaga, Turkiga ahaan waxaan sameyneynaa wax walba oo aan awoodno si aan u soo afjarno colaadaha ka jira gobollada aan xiriirka la leenahay,” Hakan Fidan ayaa ugu sheegay wariyeyaasha shir jaraa’id oo la qabtay ka dib dhammaadkii shirka Jibuuti ka dhacay.
Fidan waxa uu muujiyay in heshiis guud uu u baahan yahay in laga gudbo caqabadaha taariikhiga ah ee culeyska ku haya madaxda labada dal, lagana gaaro go’aanno u adeegaya baahida hadda jirta, isagoo taasi ku micneeyay in nuxurka arrintu u baahan tahay ay tahay in si shuruud la’aan ah loo aqoonsado madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaa intaa dheer in Itoobiya baahida ay u qabto badda in lagu gaaro hab nabadeed.
Waxa uu tilmaamay in Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin dad aad u badan, ay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin ganacsiga badda, taas oo ka dhigaysa adeegsiga badda mid muhiim u ah danaheeda dhaqaale.
Fidan waxa uu carabka ku adkeeyay in heshiis dhexmara Itoobiya iyo Soomaaliya uu ka dhigan yahay muhiimadda koowaad ee Ankara ay siineyso wada hadaladaan ay garwadeenka ka tahay, isla markaana dalkiisu uu la shaqeynayo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, ujeedaduna tahay in la gaaro heshiis guud oo qanciya dhammaan dhinacyada.
“Laga soo bilaabo bishii Luulyo, saddex kulan ayaan la yeelanay wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal Itoobiya iyo Soomaaliya” ayuu Hakan Fidan oo sii raaciyey “Laba ka mid ah kulamada waxay ku sugnaayeen Ankara, midna New York, oo dhacay Julaay, Agoosto iyo Sebtembar, Hadda waxaan leennahay aragti horumarsan iyo qaab dhismeed, waxaanan ku dadaaleynaa in lagu waafajiyo baahiyaha xisbiyada”.
Waxa uu ku macneeyey in uu arrimahan kala hadlay dhiggiisa dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, waxaana uu sheegay in kulankani uu xoojin doono fikradaha iyo soo jeedinta ay soo bandhigeen dhinacyada, isaga oo carabka ku adkeeyay in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sii wadayaan taageeradooda si loo gaaro heshiis guud oo ay ku wada qanacsan yihiin labada dhinac uu oo ula jeedo Soomaaliya iyo Itoobiya si gobolka u noqdo mid xasiloon.
Fidan ayaa sheegay in hannaankan ay Ankara soo bandhigtay lagu qaboojinayo xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya, isla markaana heshiis lagu dhameynayo khilaafka.
Turkiga ayaa sheegay in siyaasadda Turkiga ee Afrika ay tahay mid dhammaystiran, isla markaana siyaasaddu aanay ka koobnayn oo keliya dhinacyada dhaqaalaha, horumarka, waxbarashada bulshada, iyo caafimaadka, balse ay ku jirto iskaashiga amniga iyo dadaallada nabadda iyo xasilloonida.
HBN ONLINE TV