Shirkadda diyaaradaha Air France ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay duulimaadyadii diyaaradaheedu ku mari jireen hawada Badda Cas ilaa iyo amar dambe, ka dib markii shaqaalaha mid ka mid ah diyaaradaha oo maraysay aagaasi ay arkeen wax iftiimaya oo dul heehaabaya hawada dalka Sudan, taasi oo loo qaatay gantaal.
Shirkadda ayaa sheegtay in hadda ka dib ay badali doonto khadka duulimaadka ay mari jireen diyaaradaheedii iyadoo arintaasi markii ay dhacday qaar ka mid ah diyaaradaha shirkaddu ay dib ugu laabteen garoomadii ay ka duuleen markii hore.
Air France waxay sheegtay in ay si joogto ah ula socon doonto isbeddelka xaaladda juquraafi ahaaneed ee meelaha ay tagaan diyaaradaheeda ama dul marayaan si loo hubiyo heerka ugu sarreeya ee badbaadada iyo amniga duulimaadyada.”
Ilo dhanka duulimaadka ah ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay in Air France ay tahay diyaarada kaliya ee qaaday talaabadan taxadarka ah, waxaana wakaaladu ay sheegtay in hawada sare ee aaggaasi aan la xirin.
Tilaabadan taxadarka ah ee shirkadu qaaday ayaa timid iyadoo Xuutiyiintu wadaan weerarrada ay ku hayaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee gooshaya badda cas, waxaana weeraradaasi ay ku beegsadeen in toboneeyo maraakiib ah oo qaarkood ay toos ugu dhufteen gantaalo, waxaana weerarradan ay si weyn u carqaladeeyeen isu socodka baddaha caalamiga.
Kooxda Xuutiyiinta oo sidoo kale loo yaqaan Ansarulllah ayaa sheegtay in weerarrada ay wadaan ay ku garab siinayaan dadka Falastiiniyiniinta ee Qasa.
Dagaalada Sudan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay xaalada ammaan ee Badda Cas halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen tan iyo bishii April sanadkii 2023.
HBN Online TV