In ka badan 75 milyan oo Mareykan ah ayaa codkooda goor horeba ka dhiibtay doorashada madaxweynaha Mareykanka, sida lagu sheegay xog lasii daayay saacadihii la soo dhaafay.
Tirakoobyada laga soo saaray raadraaca Machadka Doorashooyinka ee Jaamacadda Florida ayaa muujinaya in 75,093,872 qof ay codkooda dhiibteen iyaga oo adeegsanaya boosto ama si toos ah ugu codeeyay goobaha codbixinta.
Codbixiyeyaasha doorashadan madaxweyne ee Mareykanka ayaa badankoodu waxay doorbideen in ay si toos ah uga codeeyaan goobaha codbixinta halkii ay adeegga boostada isticmaali lahaayeen.
Tirada dadka Mareykanka ee iska diiwaangeliyey codbixinta waa ku dhawaad 168 milyan oo qof, taasoo ka duwan sanadkii 2020, markaas oo Mareykanku ku jiray xilliga dhibaatada cudurka faafa ee coronavirus.
Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris iyo musharraxii xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore Donald Trump, ayaa ku qabtay isu soo baxyo gobollada muhiimka ah ee koonfurta iyadoo wax ka yar laba maalmood ka harsan tahay maalinta Doorashada.
Harris waxay isu soo bax ka qabatay Atlanta & Georgia, waxayna ka qaybgashay munaasabad ka dhacday Charlotte (JARLOTE), North Carolina [ KAROLINA]. Trump wuxuu olole ka sameeyay Gastonia, North Carolina [ KAROLINA]. , ka dib wuxuu u safray Salem, oo Virginia ka tirsan, ka hor inta aanu ku soo laaban Greensboro, North Carolina [ KAROLINA]. .
Intii lagu jiray isu soo baxeedii gobolka Georgia, Harris waxay sheegtay in Trump uu diiradda saarayo “liiska cadowgiisa” waxayna intaas ku dartay in iyadu ay diiradda saari doonto “liiska howlaha” ay qabanayso.
“Kaasi ma aha qof ka fakaraya sidii uu noloshaada u hagaajin lahaa. Kani waa qof aan deggeneyn, oo ay ka buuxda aargoosi, oo u heelan cabashooyin, ninkanina wuxuu u socdaa awood aan xad lahayn,” ayey tiri Kamala Harris musharraxa Xisbiga Dimuqraadiga.
Isaga oo ku jira isu soo baxyadiisa, dhankiisa Trump wuxuu bartilmaameed ka dhigtay loollankiisa, isaga oo sheegay inuu Mareykanka u horseedi doono xilli dahabi ah.
“Kamala waxay qarribtay, anigaa hagaajin doona, Mareykankuna wuxuu noqon doonaa mid mar kale hodan ah,” ayuu yiri Trump oo ka hadlayay Gastonia.
Saadaasha musharaxa guulaysan kara ayaa tilmaamaya in Harris iyo Trump ay aad isagu dhow yihiin, gaar ahaan toddobada gobol ee muhiimka ah ee lagu loolamayo.
Gobollada muhiimka ah waa kuwo go’aamiya doorashada sababtoo ah Mareykanka dadku toos ah uma doortaan Madaxweynaha, taa beddelkeeda, nidaamka cod bixinta ayaa ah in la soo doorto Ergada Doorashada ee Gobollada kuwaasi oo tiradoodu tahay 538, Musharraxu wuxuu u baahan yahay inuu helo 270 cod ee Ergada Golaha Doorashada si uu guul u gaaro.
HBN ONLINE TV

