Guddiga Anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aanno la xariira arimaha ololaha doorashda ayaa sheegay in la joojiyey gebi ahaan isu soo baxyada iyo olalaha habeenkii ah, ka dib markii wadatashiyo ay sameeyeen.
Waxaaa ay sheegeen in markii ay arkeen xeerka guud ee doorashooyinka iyo xeer Nidaamiyaha Guddida Anshaxa, Xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka doorashooyinka oo dhigaya sida hadalka u dhigeen ka joojin Xisbiyada/ururada ama Musharax/Musharaxiinta, muddo caayiman in uu sameeyo kulammo dadweyne, bannaanbax ama dhoollo tus siyaadadeed, ay go’aankaasi qaateen.
Guddiga ayaa sheegay in ay arkeeen aalado cusub oo soo kordhay, ayna ka dib wada tashi ay sameeyeen Kommishanka Doorashooyinka Somaliland ay farayaan in la joojiyey labada saacadood ee diyaar garowga iyo gabi ahaanba ololaha habeenkii ah.
“Waxaanu isla qaadanay isla markaana Idin faraynaa in la jooyiyay labdii saacadood ee diyaar garoowga lyo gabi ahaanba ololaha habeenkii”.
Bishii hore 29-keedii ayey Guddiga Anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland ay ganaaxyo adag ku direen xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, iyaga oo ka joojiyey deegaannada qaar in wax ololaha ah laga sameeyo.
Xisbiyada qaar ayaa lagu eedeeyey adeegsiga hub ay u isticmaaleen in lagu qalqal galiyo sida hadalka loo dhigayo amniga goobaha lagu qaabeeyey in lagu ololeeyo, sida sirdoonka Somaliland ay aan ka soo xiganeyno.
Ololaha Somaliland ayaa sii xoogeysanaya iyada oo doorashada ay ka harsan wax ka yar laba todabaad, waxaana xisbiyada qaar ku dadaalaayaan sidii ay codkada uga kasba lahaayeen codeeyaasha maalinta 13-ka November.
HBN ONLINE TV

