Dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo ciidamo kawada tirsan DFS oo ku dhexmaray Muqdisho

Muqdisho ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgallo burburin ah ka wada xaafadaha u dhaxeeya Jaamacadda Gahayr, gaar ahaan qeybta jiifka ilaa Ex- Kontorool Afgooye ayaa iska caabbin kala kulmay Ciidamo kale oo isla Dowladda ah, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Hal qof ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday seddex kalane ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka sii kordho maadaama waqti badan ay dagaalamayaan ciidamadaan.

Ciidamo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan howlgalkan burburinta ah waday maalmihii lasoo dhaafay ayaa siinayey dadka degan digniin la xiriirta in muddo kooban ay halkaas isaga guuraan.

Ciidamo la sheegay in ay katirsan yihiin Dowladda Federaalka ee deegaan ahaanta u degenaa dhulkaas burburinta ka socota ayaa ka hor yimid tallaabadaas, waxaana muran ka dib goobta ka dhacay israsaaseyn sida ay inoo sheegeen ilo kala duwan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa horay ugu guuleystay in dhul Dowladdu sheegtay in ay u baahatay ka saaraan dadkii degenaa, iyada oo aanay dhicin wax dagaal ah.

Laamaha ammaanka Dowladda weli jiro war ka soo baxay oo lagu faahfaahiyay israsaaseyntaan, tallaabada la qaaday, khasaaraha ka dhashay iyo sababta keentay in laga baaqsan waayey isku dhacaan labada ciidan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed