Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta kala wareegtay dowladda Turkiga afar doomo oo loogu talagalay Ciidanka Badda Soomaaliya, ka dib munaasab kooban oo ka dhacday dakadda magaalada Muqdisho.
Xafladan lagu wareejiyey ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka, Taliyaha Ciidanka Badda, iyo saraakiil kale, waxaana Doomahan oo la sheegay in ay yihiin nooca dheereeya loo qorsheeyay in ay ka qeyb qaataan sugitaanka amniga xeebaha Soomaaliya.
Safiirka Turkiga Soomaaliya oo si kooban uga hadlay ayaa tilmaamay in doomahaan ay gacan ka geysan doonaan xoojinta ammaanka xeebaha, isaga oo xusay in taageerada Ankara ay sii kordhayso tan iyo 2011-kii maalinba maalinta ka danbaysa.
Wasiir Dowlaha gaashaandhigga Cumar Cali Cabdi ayaa u mahadceliyay Turkiga, wuxuuna sheegay in doomahaan ay wax weyn ka tari doonaan dagaalka lagula jiro kooxaha halista ku ah amniga badda, isaga oo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto khayraadka xeebaha Soomaaliya.
HBN ONLINE TV