Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo xiray shir gaar ah oo Muqdisho dhacay ayaa ka hadlay arimaha doorashooyinka dalka iyo dhinacyada diiddan sida uu hadalka u dhigay in dalku uu aado doorasho qof iyo cod ah.
Madaxweynaha ayaa marka hore tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay baadi goobka xaquuqda dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay ugu horreyso, helidda xaqa dastuuriga ah ee doorashada matalayaashooda siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.
Sida oo kale waxaa uu dhalliilay in doorashooyinka dalka oo billooyin socda ay yihiin kuwa ay aheyd wax laga habboonaa, isaga oo soo jeediyey in la mideeyo doorashoyinka heer federal iyo mida maamul gobolleedyada.
“Doorashada dalka hala mideeyo, isku wakhti ha dhacdo, haddii aanay hal wakhti wada dhici Karin, bal ugu yaraan laba wakhti aan dhigno, laba heer aan ka dhigno, dowlad goboleedkana wakhti aan isugu geyno, dowladda federaalka teedana wakhti geyno iyada” ayuu madaxweyne Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa uu carrabaabay madaxweyne Xasan Sheekh in aanay macquul aheyn in wakhti intaa la eg dowladda ay ku qaadato doorashada, iyada oo dowlaha dariska ah, sida Kenya oo uu tusaale u soo qaatay ay wax ka yar toban saac ay ku qaadato in lagu doorto dowladda dhan.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in arimaha fashilka ku keenaya in darbiga doorasho dad badan laga gudbo, sida oo kalane lagu dhiiran waayo ay ka dambeeyaan sida uu hadalka u yiri “dadka bartay in lagu doorto Teendhada”, balse dalku uu wax dhibaata ah ku qabin in la aado raashada toos ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed u sheegay in la isku heysto sida uu tilmaamay qoorto, ayna joogaan xiligii ay fahmi lahaayeen mustaqbalkooda.
HBN ONLINE TV

