Ciidamo katirsan kuwa Hay’adda sirdoonka NISA ayaa howlgallo ay ku soo qabqabteen Mootooyinka labada lug leh ee loo yaqaan Fekon ka sameeyay Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir, ka dib markii dhacdooyin la xariiray ay magaalada ka dhaceen.
Ciidanka NISA ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Daarusalaam & Dayniile waxa ay ku qabteen mootooyinkan oo muddooyinkii dambe ku soo kordhayay Magaalada Muqdisho.
Qaar ka mid ah Wadayaasha Mootooyinka Fekon-ta ayaa ayaa sheegay in Ciidamada markii ay qabteen ay isugu geeyeen goobo kala duwan, iyaga oo markii dambe ka qaaday sida ay hadalka u dhigeen furaha mootooyinkooda.
Waxa ay wadayaashaan kaxeeya Mootadaan ay intaas ku daray in degmooyinka qaar ay ku mareen hubin ay ku sameeyeen Hay’adaha Ammaanka, waxaana ay sheegeen in ay usii dheer tahay in ay wataan warqadda waddo marista ee Hay’adda dambi baarista ee C.I.D
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallada ka dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir lagu soo qabtay mootooyin & Rag ay ku raadjoogeen Laamaha ammaanka sida hadalka loo dhigay.
HBN ONLINE TV