Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muhiimad ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya dhanka iskaashi diblomaasiyadeed iyo ka shaqeynta sida hadalka loo dhigay wax wada qabsi wadajirka ah. Sida oo kale waxaa uu sheegay in arrimahaas ay Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, arrimaha la xiriira nabad gobalka iyo xasillooni waarta.
Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa dowladda iyo shacabkeeda uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa imaanaya xilli uu shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo maantana baarlamaanka dalka hal ka jeediyey uu kaga hadlay xiriirka labada dal.
HBN ONLINE TV