Dhimasho iyo dhaawc ka dhashay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday gobolka Gedo

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal beeleed maanta ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Dagaalka oo u dhexeeyey Maleeshiyo beeleedyo ayaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana dhacay duleedka Bari ee degmada Luuq.

Waxaa la soo sheegayaa in ay jiraan labada dhinac dhawaacyo adag oo soo kala gaaray, kuwaa oo xaaladdooda laga soo deyrinayo iyo sida oo kale dad rayid ah oo iyagana ku waxyeeloobay.

Maleeshiyaadkan oo dagaal goosgoos ah dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ku dhexmaray Luuq ayaa la tilmaamay in markale uu dib u soo celiyeen colaad.

Dib u heshiisiin dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo horaantii bishan ayaa lagu guul dareystay in la xaliyo colaadaasi, waxaana taasi ay keentay in dib uga soo cusboonaadam Luuq.

Mas’uuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadlin dagaalkan, inkasta oo odayaasha dhaqanka ee deegaankaas la sheegay inay wadaan waan-waan ay ku doonayaan inay ku dhex-dhexaadiyaan colaadda, ayna ku soo laabtaan miiska wadahadallada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed