Hay’adaha Ammaanka Somaliland oo sheegay in ku raad joogaan dad hubaysan oo lagu arkay isu soo bax ka dhacay Hargeysa

Hay’adda Sirdoonka Somaliland ayaa baaris ku samaysay Taageerayaal hubaysan oo ka tirsan Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, kuwaas oo la sheegay inay Baastoolado iyo Qoryo sida hadalka u dhigtay ay ku cabsi geliyeen dad ku sugnaa bannaanbax habeenkii Isniinta ka dhacay magaalada Hargeysa.

Hay’adda Sirdoonka ayaa sheegtay in raggan ay sida oo kale rasaas nool ku rideen Xaafad ka mid ah Magaalada Hargeysa, taasi oo keentay in dadkii goobta isugu yimid ay qeylo dhaan ka soo saaraan.

“Kooxahaasi waxay wataan qoryo iyo rasaas iyagoo qalalaase abuuray oo shacabka halis galiyay isu soo bax-siyaasadii Kulmiye ee shalay waa lagu daba jiraa, dhawaana waa la qabanayaa, haddii ay cid xog dheeraad ah hayso nalaga soo xariir 9,000” ayaa lagu yiri fariintaan oo bartooda X soo dhigeen.

Masuuliyiinta xisbiga Waddani oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa ku booriyay laamaha ammaanka in ay wax ka qabtaan kooxaha rabshadaha wada, iyaga oo ka digay in dhacdooyinkan oo kale ay khatar ku yihiin xasiloonida doorashada bisha November.

Waxaa shalay oo aheyd Isniin ah la soo gebagebeeyey wareegii koowaad ee ololaha doorashada Somaliland, iyada oo xisbiga Kulmiye uu muujiyey cudud taageero oo laxaad leh. Wareega labaad ee ololaha doorashada ayaa bilowday maanta oo talaada ah.

Soo bandhigida taageerayaasha hubaysan ee xilliyada ololaha ayaa ah mid aan hore uga dhicin Somaliland, taas oo kor u qaadaysa walaaca laga qabo in ay isa soo tarayaan maalmaha doorashada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed