Guddiga Anshaxa, xalinta khilaafaadka iyo Kormeerka Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray go’aanno la xidhiidha arimaha ololaha doorashda ayaa ganaaxyo adag duldhigay xisbiyada Waddani iyo Kulmiye, iyaga oo ka joojiyey gebi ahaan isu-soo baxyada iyo olalaha habeenkii ah.
Waxa ay ganaax 20 Milyan oo Shillinka Somaliland ah ku rideen agaasimaha guud ee Madaxtooyada oo Xisbiga Kulmiye oo sida hadalka loo dhigay u furay in ay ku ololeeyaan Khayriyada magaalada Hargeysa, halka Xisbiyada kalena loo diiday habeenkoodii.
Sida oo kale waxaa guddigu uu sheegay in uu mar labaad uga digeen in Xisbiyada iyo Ururrada Siyaasadda ay Olole ka dhigaan magaalada Ceel-afweyn.
HBN ONLINE TV

