Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay ruux ay sheegtay in uu ahaa Alshabaab doonayey in uu fal amni darro ah ka geysto suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Shaqsiga la qabtay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa sida hadalka loo dhigay Shabakad dilal ka geysatay magaalada Muqdisho oo ciidamada ammaanka ay ku daba jireen, kaasi oo ugu dambeyn maanta gacanta lagu dhigay.
Hay’addaha amniga ayaa sheegay in howlgalo balaaran ay ka wadaan suuqyada iyo goobaha ganacsiyada oo tobaadyadii ugu dambeeyey la kulmayey dilal iyo hanjabaado ay sheegeen in ay kaga imaaneyso kooxda Alshabaab, iyada oo dad badan arinkaasi loo dilay.
Tani ayaa noqoneysa isbedel cusub ka dib markii hay’adaha amniga ay sii daayeen muuqaal CCTV ah oo muujinayey qaabka ninkan la soo qabtay ah oo isku dayey in uu ka baxsado gacanta laamaha amniga, balse ugu dambeyn ay qabteen.
Hay’adaha amniga ayaa dhaleeceyno kala duwan kala kulmay bulshada iyo dadka amniga la socda, iyada oo ku eedeeeyey in ay gabeen howlihii ay xaqa loogu lahaa.
HBN ONLINE TV

