Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida (DDS) Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar) oo waraysi siiyay Warbaahinta ayaa ka waramay arrimo ku saabsan Shirwaynaha muranka dhaliyay ee Wadahadallada Itoobiya iyo dadka qaadacay shirwaynahaas waxa laga yeelayo.
Mustafe Cagjar waxa uu sheegay in Shirwaynahan Wadahadalada Itoobiya uu yahay mid u furan guud ahaan dadka ku dhaqan dalka Itoobiya, shacabkuna ku soo gudbinayaan cabashooyinka ay qabaan.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid ka madax banaan Dowladda oo ay maamulaan guddiyo laga soo kala xulay dhammaan degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, dhinaca Soomaalidana uu sheegay inuu guddidaas u matalo xubin lagu magacaabo Maxamuud Dirir.
Sida oo kale Madaxweye Cagjar ayaa waxaa uu sheegay in degaanka Soomaalida laga soo xuley dad gaaraya 70 xubnood oo isugu jira Siyaasiyiin hore, Culimaa’udiin, Madax dhaqameedyo iyo xubno ka socda Jaamacadaha degaanka Soomaalida ku yaalla, kuwaa oo dhammaan noqonayey xubnaha shirwaynahaas sida uu hadalka u dhigay ku matala DDS.
Dhinaca kale dadka ka soo horjeestay qaabka loo wado Shirwaynahan ayuu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwa uusan u joogsanayn, isaga oo tilmaamay in guddida howshan wada ay dadaal badan ku bixinayaan sidii ay cid walba oo wax tabanaysa ay uga soo qaybgali lahayd Shirwaynaha heer Qaran ee Itoobiya.
Mustafe Cagjar waxa uu sida oo kale sheegay in ONLF garab ka mid ah aysan ma talin Shacabka Degaanka Soomaalida,
“Sodon sano ayay lahaayeen ONLF anagaa matalna Shacabka, ma matalaan Qabiilna kuma matalaan Ururna kuma matalaaan, Urur urur bay ka yihiin Qabiilna meelaha ay sheeganayaan meelo kamid ah oon ahayn ayaa jirta” ayuu yiri Mustafe Cagjar.
Waxaa uu ugu damheyn uu sheegay in Shirwaynahani uu yahay mid shacabku uu si xor ah fikirkiisa ugu soo gudbinayo lagagana doodayo xaaladaha kala duwan ee dalku ku sugan yahay, isagoo xusay in Shirwaynahan Wadahadallada heer Qaran ee Itoobiya uusan horey uga dhicin sida uu yiri “dalka Itoobiya”.
Arinkan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay arrimaha ku saabsan Shirwayanaha Wadahadalada Itoobiya oo dhawaan lagu qaban doono dalka Itoobiya.
Shirwaynahan oo dadku siyaabo kala duwan uga hadleen ayaa Jambahadda qaarkood oo ONLF kamid tahay waxay go’aansadeen inay ganafka ku dhuftaan Shirwaynahaas, inkasta oo Guddida Shirwaynahani ay qaateen inay cid walba ku qanciyaan inay Shirwaynahan ka soo qaybgalaan.
HBN ONLINE TV

