Sirdoonka Soomaaliya oo sheegay in ay ku dileen xubno Alshabab weerar ka dhacay Baay

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in la fashiliyey weerar ay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab maanta ku soo qaadeen fariisin ciidan oo ku taalla duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Weerarka kooxda soo qaaday ayey sheegeen ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur galbeed in lagaga dilay xubno badan, kuwaa oo ay ku soo bandhigeen.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxda ay sida hadalka u dhigeen ay “jab ku gaarsiiyeen” dagaal kooban oo dhacay duleedka magaalada Buurhakaba.

Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay ku raad joogtaan sida hadalka u yiraahdeen “firxadkii” kooxda Alshabaab oo goobta uga cararay meydadka xubno badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed