Dowladda Mareykanka ayaa baaraysa isku dayo looga shakisan yahay in burcad Shiinays ah ay ku doonayaan inay ku dhagaystaan xogta taleefoonnada ay adeegsadaan musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee Donald Trump iyo ku xigeenkiisa J.D. Vance, sidoo kale arrintan ayaa waxaa la aamisan yahay inay saameysay kooxda ololaha musharaxa xisbiga dimuqraadiga ahna madaxweyne ku-xigeenka haatan Kamala Harris, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka Jimcihii.
Warbixinnada, oo soo xiganaya dadka aqoonta u leh arrintan, ayaa soo baxday ka dib markii FBI-da iyo Hay’adda Amniga Internetka ee magaceeda loo soo gaabiyo CISA ay sheegeen inay baarayaan falalkan.
“Kadib markii FBI-du ay aqoonsatay dhaqdhaqaaqyo gaar ah oo xaasidnimo ah oo lagu beegsanayo waaxda, FBI-da iyo Hay’adda Ammaanka Kaabayaasha Internetka waxay isla markiiba ogeysiiyeen shirkadaha ay dhibaatadu saameysey, waxay bixiyeen taageero farsamo, waxayna si degdeg ah u wadaageen macluumaadka si ay u caawiyaan dhibbanayaasha kale ee suurtagalka ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay hay’adaha federaalka ah.
“Baaritaanku waa socdaa, waxaana ku dhiirigelinaynaa hay’ad kasta oo aaminsan inay dhibane u noqon karto falalkan waa in wadashaqeyn la sameeyaan FBI-da ama hay’adda CISA,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Wargeyska New York Times ayaa sheegay in baarayaashu ay ka shaqaynayaan sidii ay u ogaan lahaayeen haddii ay jiraan xog isgaarsiineed oo laga helay taleefannada Trump iyo Vance iyo sidoo kale masuuliyiinta kala duwan ee dawlada Mareykanka ka tirsan oo gudaha iyo dibedda ku sugan iyadoo loo marayo nidaamka taleefoonnada Verizon.
HBN ONLINE TV

