Shirkii Golaha NCC ee lagu waday inuu maanta Muqdisho ka furmo xaggee ku dambeeyay?

Waxaa uu ahaa qorshuhu maanta in dib la iskugu soo laabto si halkiisii looga sii amba qaado qodobada hortabinta leh ee Shirka golaha wadatashiga qaran ee madaxda DFS iyo kuwa maamuladda.

Qoraalkii ugu dambeeyey ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya toban maalin ka hor ayaa lagu sheegay in kulanka golaha uu dib furmi doono 26-ka bishaan Oktoobar, isaga oo halkiisii laga sii wadi doono qodobada shirka madaxda.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Madaxda Dowladda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah kuwa maamulada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa diradda lagu saarayey xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka oo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka biyo diideen qodobada qaar, sida ilo ka agdhow shirka u sheegeen warbaahinta, halka dowladdu ku adkeysaneyso in uu najiito ku soo idlaado.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo isaga baxay kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa u muuqda mid ku adkeystay doodiisa aheyd in doorasho uu qaban dooono, iyada oo xogtaasi si gaar ah warbaahinta madaxa banaan loogu soo dusiyey.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland oo maanta ka hadlay furitaanka golaha wakiilada ee maamulkaasi ayaa sheegay in Jubbaland uu ku taageeri doono in doorasho ay qabsato, isaga oo tilmaamay in madasha Qaranku aheyn sida uu hadalka u dhigay “meel danta Soomaaliyeed lagu hayo”.

Inkasta oo Puntland shirkan masuul ka socda uusan ka soo qeyb galin, hadane, iyada oo dibad joog ah ayey ku tilmaantay sida hadalka u dhigtay mid lagu kala irdheynayo Soomaaliya.

Waxaa la is waydiinaa, sida macquul gal ku tahay in uu maanta qabsoomo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed