Puntland ayaa dhaliilo kulul u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya ka dib markii qariiradda dalka ay sheegtay in deegaano ka mid ah sida hadalka ay u dhigtay ay muran galisay Wasaaradda Batroolka xukuumadda Soomaaliya .
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in wasaaradda Batroolka XFS ay shaacisay maabab ay ku muujineyso in gobolka Mudug dhanka Puntland ay la isku heysto, isagaa oo carrabaabay in dowladda Federaalka ay ka shaqeyneyso sida hadalka uu u yiri in bulshada la iska hor keenno.
“Waxaa nasiib darro ah in Wasaaradda Batroolka XFS ay shaacisay maabab ay ku muujineyso in gobolka Mudug dhinaca Puntland la isku heysto, waa arrin u baahan in si hoose loo eego, in dowladdii Federaalka ay ka shaqeyneyso in Bulshada la’iska hor keenno” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Sida oo kale maamulka Puntland ayaa arrintaan ku tilmaamtay mid colaad lagu hurinayo islamarkaana aysan jirin sohdin ay ku murusan yihiin Galmudug iyo Puntland.
Wasiirka arimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa oo qoraal kooban ku qoray boggiisa X ayuu ku sheegay in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay isku dayayo in uu bedelo sida uu hadalka khariiradda Soomaaliya.
Eedaan Puntland uu u jeedisay dowladda Federaalka weli kama aysan jawaabin, iyada oo hadalkoodu uu ku soo aadayo xili uu jiray khilaaf adag oo maamulka kala dhexeeya dowladda.
HBN ONLINE TV

