Dowladda Soomaaliya oo digniin adag oo dhanka Ammaanka ah duldhigtay Milkiilaayasha gawaarida

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay, iyada oo la ilaalinayo badbaadada muwaadiniinta iyo hantidooda, in uu bulshada Soomaaliyeed oo dhan la farayo in ay raacaan qodobo dhanka Ammaanka ah ee ay soo saareen, kaasi oo si gaar ah u quseeya dadka gaadiidka leh.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay taliska oo ka kooban qodobo amar ah ayaa lagu faray in qof walba, Haddii gaari, mooto, taargada gaadiidka iyo buugga gaariga uu leedahay laga xado ama uu waayo in lagama maarmaan tahay in uu ku wargaliyo saldhigga boliiska ee ugu dhow 48 ilaa 72 saac gudahooda, si laamaha amnigu uga baadi goobaan.

Ciddii ku guuldareysata fulinta amarkan digniinta ah ee Hay’adaha ammaanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in isagu qaadi doono “masuuliyadda wax kasta oo dhib ah oo ka dhasha isticmaalka” gaarigiisa ama mootadiisa, “mana laga aqbali doono wax cudurdaar ah” ayaa lagu yiri fariintaan uu soo saaray taliska Booliska Soomaaliya.

Digniintan ka soo baxday Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa dadka amniga falanqeeya u arkaan mid yareyn karta dhibaatooyin ka dhaca gudaha Muqdisho iyo deegaannada ku xeeran, kuwaa oo badi goobaha falalku ka dhacaan gaadiid uga baxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed