Soomaaliya & Qaramada Midoobey oo kawada hadlay arrinta howlgalka soo socda ee AUSSOM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la qaatay ku xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerrada howlgallada Atul Khare, kaasi oo diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee howlgalka gabagabada ah ee ATMIS.

Si loo saldhigo howlgalka cusub ee loo guurayo marka la gaaro sanadka soo socda 2025 ee AUSSOM ayaa la sheegay in uu noqon doono mid ka duwaanan doona sida qorshaha uu yahay ka hadda sii dhamaanaya.

Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiradda saareyso sidii looga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha ku dhex jira farsmooyinka Amniga sida hadalka loo dhigay ee lagu gacansiinayo Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay.

Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Waaxda Taageerada Hawlgallada Atul Khare ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay sameysay horumar kala duwan marka la eego sanadihii la soo dhaafay sida kursiga ay ku guuleysatay ee Golaha Ammaanka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed