Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay sharciga la dagaalanka dembiyada abaabulan

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo yeeshay maanta mid ka mid ah kulamadii caadiga ayaa ansixiyay Heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dembiyada abaabulan ee isaga kala gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

Xildhabaannada ogolaaday in la meel mariyo ayaa gaaraya 138-mudane, laba Xildhibaan ayaa diiday, halka seddax ay ka aamustay. Waxaa uu markale aadi doona Senatarada Aqalka Sare isaga oo haddii uu ka gudbane si toos ah loo horgeyn doono madaxweynaha Soomaaliya oo sidaasi ku sharciyeyna.

Axdigan oo lagu ansixiyay qaraarka Golaha Guud ee 55/25 ee 15 Noofambar 2000 ahne xeer caalami ah ee dagaalka lagula jiro dembiyada abaabulan ee ka gudba xaduudaha ayaa waxaa saxiixay dawladaha xubnaha ka ah shir-siyaayasadeedkii lagu qabtay Palermo, Italy, 12-15 December 2,000, kaasi oo dhaqan galay 29-kii Sebtembar 2003-dii.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa marka hore lagu dhaariyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, wasiirro iyo wasiiru dowlayaal uu dhowaan soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, kuwaa oo ka mid noqonaya golaha Xukuumadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed