Muxuu yahay heshiiska ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo kenya?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaba gabeeyay safar shaqo oo uu ku joogay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya William Ruto.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Kenya, arrimaha amniga gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta ganacsiga.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa kulankooda waxaa ka soo baxay xoojinta iskaashiga amniga iyo howlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo bilaabanaya Janaayo 2025, kor u qaadista xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal, iyagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay fududeynta dhaq-dhaqaaqa badeecadaha iyo adeegyada.

Sida oo kale waxaa waxaa ay ku heshiiyeen iyaga oo ka faa’iideysanaya madalada ururrada gobolka sida EAC, IGAD iyo COMESA si ay isu waydaarsadaan iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dal ee arrimaha gobolka.

Waxaa la isku soo hadal qaaday adkeynta taageerada beesha caalamka ee dhismaha awoodda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, si ay ugu diyaar garoobaan kala guurka ATMIS iyo AUSSOM iyo in Soomaaliya lagu taageero matalaaddeeda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sanadaha 2025-2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo maray Kenya socdaalkii ugu dambeeyey ee dalalka ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, isaga oo wadatashiyo la yeeshay madaxda uu la kulmay ee Jabuuti, Kenya, Burundi iyo Uganda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed