Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shil diyaaradeed oo la sheegay in uu ka dhacay dalka

War ka soo baxay Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliyeed ayaa lagu beeniyay warar sheegayey in uu shil diyaaradeed ka dhacay Hawada Soomaaliya, Waxaana ay hay’addu hadalkaas ku tilmaamtay kuwo been abuur ah oo lagu marin habaabinayo dadka.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegay in diyaarad ay leedahay Dowladda Soomaaliya ay shil gashay ama cilad awgeed u dagtay.

Waxaa uu sheegay in ay bad qabaan dhamaan diyaaradaha dowladda soo iibsatay, aysana jirin waxba ka jirin wax diyaarad Soomaaliyeed oo hub sida oo meel cidla ah ku degtay ama burburtay, isaga oo ku eedeeyey in cadow soo abaabulay hadalkaasi.

Maareeyaha Haya’adda ayaa sheegay in ay badqabaan Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dhowaan Dowladda Federaalka heshay, sidaas awgeedna wararka la faafiyay sida hadalka uu u dhigay ay yihiin kuwo aanay sal iyo raad toona lahayn.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed