Odayaasha dhaqanka Soomaalida oo diiday ka qeyb galka shirka Itoobiya wado

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka Soomaalida ayaa la soo sheegayaa in ay qaadaceen wadahadaladda qaran ee garwadeenka ka tahay Itoobiya, kaasi oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalkaasi iyo colaadaha ku baahay deegaanno badan.

Shirkan ay diideen Odayaasha deegaanka ee wadahadalada ayaa ka dambeeyey, ka dib markii shirka la so fadhiisiyay sida aan ka soo xiganeyno ilo madaxbanaan in goobta la keenay dad aan somaali ahayn oo la carrabaabay in ay matalayaan Dowlad deegaanka Soomaalida.

Xubno goobjoog ahaa ayaa u xaqiijiyey warbaahinta in odayaasha deegaanka lagu wargeliyey in 100 qof oo Soomaalida ku meteli doona shirka wadatashiga ay 25 ka mid ah noqon doonaan qowmiyadaha aan Soomaalida aheyn, gaar ahaan Amxaaro iyo Oromo, taas oo layaab ku noqotay.

Gudiga Wadatashiga qaran ee Itoobiya ayaa soo jeediyay in xubanaha matalaya deegaanka Somaalida lagu daro Qoomiyadaha kale aan somaalida aheyn. Sida oo kale waxaa shirkaas laga soo tabiyey in Itoobiya ay majarahii iyo masiirka Soomaalida ay go’aan ka gaartay.

Waxgaradka deegaanka Soomaalida oo siyaaba kala duwan uga hadlay arintaan ayaa sheegay in sinaba aanay ku aqbaleyn go’aamada sida ay hadalka u dhigeen halka dhinac ah ee ay wado Xukuumadda Addis Ababa.

Jabhadda ONLF ayaa horay sheegtay in ay ka baxday ka qeyb galka geedi socodka wadatashiga qaran ee Itoobiya, waxaana ay ku dooday in taas ugu wacan tahay sida hadalka ay u dhigtay is dhexgal iyo hufnaan la’aan ka jirta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed