Somaliland oo soo saartay amarro adag oo shaqaalaha maamulka ku socda

Go’aamo ka soo baxay Somaliland oo ku aadan shaqalaaha xukuumadda in aysan qeyb galin ololaha doorashooyinka ayaa lagu faray dhamaan guddoomiyaasha iyo talisyada ciidamada in talaabo adag ay ka qaadaan shaqalihii lagu arko isaga oo ka qeyb qaadanaya.

Wareegtadaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha ayaa lagu cadeeyey in aysan ka qeyb gali karin wax ku aadan ololaha doorashada shaqaalaha Somaliland, waxaana lagu adkeeyey madaxda ciidamada iyo guddoomiyaha kala duwan in aan la ogoleyn in wax olole ah loo isticmaalo gaadiid ay Somaliland leedahay.

Sida oo kale wareegtadaan ka soo baxay wasaaradda arimaha gudaha Somaliland ayaa lagu faray in go’aamadaan ay fuliyaan dhamaan masuuliyiinta ay quseyso, si howlaha socda loo fududeeyo, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaarada arimaha gudaha Cabdullaahi Axmed Aarshe.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay u sheegtay in ololaha doorashada inta ay socdaan in shaqalaaha aysan ka qeyb qaadan karin , iyada oo taasi uga digtay.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed