Madaxweynaha Soomaaliya oo Burundi kala hadlay xaaladda ciidamada dalkaasi iyo howlgalka cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta gaaray Burundi, ka dib casuumaad ka helay dhigiisa Évariste Ndayishimiye, isaga oo socdaalkiisu uu daaran yahay sidii uu kala hadli ciidamada dalkaasi ee nabad ilaalinta u joogta Soomaaliya iyo qaabka ay iskaga kaashan karaan dhanka amniga.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Burundi oo kulan gaar ah ku yeeshay Mataxtooyada dalkaasi ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, waxaana Xasan Sheekh uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Burundi iyo Dowladiisa taageerada ay Soomaaliya u sameeyeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha Burundi Évariste Ndayishimiye ayaa lagu sheegay warka in uu amaanay guulaha Soomaaliya ka gaartay dagaalka Alshabaab, ku biirista Bulshada Bariga Afrika, Qaadista Cunaqabateynta iyo qodobo kale, isaga oo hoosta ka xariiqay sida hadalka in Soomaaliya ay garab siisay Burund xili adag.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed