Wasiirkii hore ee Maaliyada Soomaaliya oo ku biiray mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya Cabdirahmaan Ducaale Bayle iyo xubno uu hogaaminaayo oo ka soo jeeda Gobalka Awdal ayaa maanta shaaciyey in ay biireen xisbiga mucaaradka ah ee Wadani, iyaga oo ka qeyb qaadan doona sidii xisbigaasi uu ugu guulaysan lahaa doorashada dhici doonta bisha soo socota.

Dr Bayle ayaa sheegay in saami qeybsiga ay dadka Awdal ka cabanayaan uu xisbiga Wadani u balanqaaday inuu wax ka qabto, taasi oo ah in xukuumadihii hore wax ka qaban waayeen dhanka hormarka gobolkaasi, sida hadalka uu u dhigay.

Dhanka kale, Bayle waxaa uu caddeeyey in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara, sida hadalka uu u yiri marxaladan ay ku jirtana ka saari kara, sidaasi awgeeedna uu isaga iyo xubnaha uu huggaaminayo ay ugu soo biireen.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo xilal kala duwan ka soo qaybtay dowladda Soomaaliya 15-kii sano ee ugu dambeyey waxaana ugu dambeeyay xilka Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo uu hayay, isaga oo banneeyey horaantii bishii Agoosto 2022 -kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed