Shir seddex geesood ah oo looga arinsanayo mustaqbalka howlgalka 2025 oo Muqdisho ka dhacay

Wakiillo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS iyo Qaramada Midoobay ayaa kawada shiraya qaabka uu noqon doonno howlgallada cusub ee Ciidamada Afrikaanka ah ee Dalka jooga.

Galinkii hore ee maanta waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Madaxda saddexda dhinac iyaga oo kawada arrinsanayay sidii howlgalka cusub ee billaabanaya sanadka soo socda 2025 loo dardargelin lahaa.

Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dhinaca Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda Rosemary Dicarlo oo kulamo kala duwan la qaadatay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS waxa ay diiradda saareyn xaaladda Dalka.

Waxaa si hoose loo eegayaa howlgalka cusub ee AUSSOM oo lagu baddelayo kan haatan waqtigiisa sharciga ah uu gabagabada yahay ee ATMIS si diiradda loo saaro mustaqbalka lagu diyaarinayo qorshaha lagu saarayo Ciidamada Shisheeye sida hadalka loo dhigay.

Dhowaan Waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay shir ay isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo wakiillo ka kala socotay Dalalka Ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyada oo kawada hadlay howlgalka cusub ee AUSSOM.

Marka la eego howlgalka cusub sida loo diyaariyay wax badan ayuu duwanaan doonnaa kan ATMIS sida ay qabaan dadka arimaha siyaasadda gobolka falanqeeya, waayo Ciidamada Midowga Afrika waxa ay si joogta ula howlgali doonnaan Ciidanka Federaalka iyo kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedyada.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed