Soomaaliya oo booqaneysa dalalka ciidamada ilaaliya amniga dalka iyo waxa ay kala hadleyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay safar shaqo iyo kulamo uu la yeelan doono madaxdweynaha dalkaasi.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan dib u soo dhisidda ciidamada qaranka, waxaana ay wadamada ay la kulmeyso kala hadli doontaa qaabka iyo wakhtiga qorshaha ee ay wada joogaan sida uu noqon doono.

Madaxaweyne Xasan Sheekh ayaa tagi doono wamada Burundi, Kenya, Jabuuti iyo Uganda, balse lama oga uu ula macaamili doono dalka Itoobiya oo Soomaaliya oo ay isku hayaan arimaha qadiyadda ee dhinaca Badda-Cas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed