Iiraan oo digniintii ugu cusleyd u dirtay Mareykanka, xilli laga cabsi qabo dagaal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iran Cabbaas Araghchi ayaa digniin ku bixiyay in Mareykanka ay kula xisaabtami doonaan khasaara kasta oo Iran ka soo gaara taageero uu Israa’iil ku siiyo weerarka la filayo inay ku qaado Iiraan.

Hadalka Cabbaas ayaa yimid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu qiray inuu ka warqabo qorshayaasha Israa’iil ee ku aaddan waqtiga iyo nooca weerarka suurtagalka ah ay Israa’iil ku sheegtay inay uga aargudan doonto duqeyntii gantaalada loo adeegsaday ee Iran ku qaaday Israa’iil horaantii bishan.

Wasiirka Iran ayaa fariin uu soo dhigay bartiisa X ee horey loogu yaqiin Twitter-ka wuxuu ku yiri “ Cid kasta oo wax ka og ama ku lug leh fududaynta weerarka Israel, waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda & cawaaqib kasta oo ka yimaada”.

Inkastoo Washington horey dhawr jeer ugu celcelisay in Talaabiib ayasan si buuxda ugu soo bandhigin qorshayaasha weerarka ay damacsan tahay inay ku qaado Iiraan, haddana Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo dalka Jarmalka kaga qayb galayay shir ay halkaasi ku yeesheen madaxda reer Galbeedka ayaa wuxuu ku qiray markii ugu horreysya in ay ogyihiin xilliga Israa’iil ay weerari doonto Iiraan & waliba nooca weerarkaasi sida hadalka uu u dhigay.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa weerar gantaal ah ku qaaday Israa’iil 1-dii October weerarkaasi oo ay kaga jawaabayeen dilkii hoggaamiyihii Xamaas Ismail Haniyeh, hoggaamiyihii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo Jeneraal Cabaas Nilforoushan oo ka mid ah saraakiisha sar sar ee ciidamada Iiraan.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku andacooday in Iiraan ay sameysay waa sida hadalka uu u dhigay tallaabo qaldan oo ay wajihi doonto cawaaqibta weerarkaasi.

Xiisadda labada dal oo muddo dheer soo taxnayd ayaa xaalad taag taag ah galisay gobolka Bariga Dhexe oo markii horeba la daalaa dhacayay khilaafyo colaadeed oo muddo waqti dheer ah socotay, waxaana haatan laga cabsi qabaa in dagaal balaaran uu ka qarxo gobolka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed