DFS oo war ka soo saartay safaaradda Itoobiya oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaca ka qaaday in Safaaradda Itoobiya oo ku taala meel u dhow Madaxtooyada Somaliya tan iyo sanadkii 2007, ay sii ahaan doonto halkeeda, inkasta oo ay sii kordhayaan walaaca Dowladda Somaliya.

Itoobiya waxay safaaradeeda ka dhisatay aag aan ka fogeyn madaxtooyada Soomaaliya ka dib markii ay faragelin ciidankeedu ku samayseen Muqdisho bishii December ee 2006 si ay u taageerto dawladda ku meel gaarka aheyd ee Soomaaliya (TFG) ee la dagaalamaysay kooxihii kacdoonka waday sida Midowga Maxkamadaha Islaamka (ICU).

Iyadoo dowladda Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn joogitaanka safaaradda ee dhismahan, haddana Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday in haddii hadda la raro safaaradda ay keeni karto saameyn diblomaasiyadeed, gaar ahaan safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya oo iyaduna ku taal meel aad muhiim u ah.

“Safaaradaasi iyo halka ay ka furan tahay inagu go’aankeeda maanan laheyn, ilaa maa dowladdii 2007-dii, markii ciidamadoodu qabsadeen magaaladaan bay gurigaas degeen, waxaana ay ku roontahay iyada xaaladdu sidaan ka roon tahay, ileen inaguba Safaaradaan meel istaatiiji ah ku leenahaye” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi waxa kale oo uu daboolka ka qaaday in dawladda Somaliya ay ka fiirsanayso talaabooyin adag hadii Itoobiya ay joojin waydo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, kaas oo loo arkay inuu caqabad ku yahay madax-banaanida Soomaaliya.

Hal tallaabo oo suurtagal ah ayuu ku celiyey oo Soomaaliya ay weli ku adkeysaneyso, kaasi oo ah in ay fursad heysato Itoobiya ilaa bisha Decembar, haddii ay ka bixi weydane ay dowladdu go’aan ka gaari doonto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed