In ka badan 10 ruux oo Askar iyo rayid isugu jirta oo ku dhintay Qarax ismaadaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Inka badan 10 ruux oo shacab iyo askar isugu jirtay ayaa dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray qarax ruux ismiidaamiye ah uu ku weeraray goob dadku ku badanyihiin oo ku taal afaafka hore ee xerada iskuul Booliisiya ee magaalada Muqdisho.

Booliska Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyey weerarkan ayaa sheegay in inta la xaqiijiyey uu ay ku geeriyoodeen 7 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale, kuwaa oo isugu jira Askar iyo dad shacab ahaa oo goobta ka agdhawaa.
Xogta ayaa intaasi ku daraysa ka soo baxday Booliska Soomaaliya in uu qof ismiidaamiyaha ah uu isku qarxiyey maqaayad ay fariistaan Ciidanka Booliiska oo ku taala gudaha xerada iskool Booliisiya ee degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Abwaan Sugaal Cabdulle oo ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Muuqaalka ruuxa is qarxiyey oo la baahiyey ayaa muujinaya in xajmiga qaraxu uu aad u weynaa, kaasi oo waxyeelo ka soo gaartay dad u badnaa rayid.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed