WAR DEGDEG AH: Qarax ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Qof naftii halige ah ayaa isku qarxiyey maqaayad ay fariistaan Ciidanka Booliiska oo ku taala afaafka hore xerada iskool booliisiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Waxaa jira Dhimasho iyo Dhaawacyo badan oo la arkayo, iyada oo gudaha ay ka socoto xabad badan, lamana oga in uu koox hubeysan dagaalayso iyo inkale.

khasaaraha qaraxa ka dhashay inta uu gaarsiisan yahay lama ogaan karo laakiin dadka u dhow xerada ayaa soo warinaya in xaalad adag ka jirto goobta.

Waxaa hadda goobta u sii socda gaadiidka Gurmadka degdegga ah iyo ciidamo dheeraad ah, kuwaa ka qeyb qaadanaya samata bixinta dadka goobta waxyeeladu ka soo gaartay.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed