Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerar lagu qaaday fariisin Ciidamada xooga ku lahaayeen Bakool

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar kooxda Alshabaab ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Xudur ee gobolka Bakool, taasi oo dagaal culus oo ku dhexmaray uu ka dhashay khasaare laba dhinac soo kala gaaray.

Dagaalku wuxuu yimid ka dib markii xubno ka tirsan AlShabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koofur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Lukugooraw oo qiyaastii 20-km u jira degmada xudur.

Dagaalka ayaa socday saacado badan, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray labada dhinac.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, waxaana la xaqiijiyay in hal askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka uu dhintay. Sidoo kale, warar kale ayaa sheegaya in AlShabaab ay khasaare soo gaartay, iyadoo la qabtay xubno ka tirsan kooxda oo dhaawacmay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Bogga Warbaahinta ku hadasha Afka ciidamada ayaa waxaa lagu sheegay in ay ka hortageen weerarkaasi, isla markaasna ay hadda ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Inkasta oo hadda xaaladdu degan tabay, hadane laamaha amniga ayaa ku howlan hawlgallo ay amniga ku xaqiijinayaan. ciidamada militeriga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa howlgaladooda ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolada Bakool iyo Baay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed