Shirkii golaha wadatashiga oo soo xirmay iyadoo wax natiijo ah aysan ka soo bixin balse la isku balansaday mar kale in la isagu soo noqdo

War Saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo tan iyo 2-dii bishan ka socaday Muqdisho ayna madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyadu isku hor fadhiyeen qodobada qaar oo la isku mari waayey ayaa la sheegay in uu halkiisii ka socdo.

Shirka oo diradda lagu saarayey xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan arimaha doorashooyinka oo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka biyo diideen qodobada qaar sida ilo ka agdhow u sheegeen warbaahinta ayaa dowladdu ku adkeysaneysaa in uu najiito ku soo idlaado.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in uu sii socon doona wadatashiyada madaxda, waxaana markale dib loo balamiyey in dib la iskugu soo laabto 26-ka bishan Oktoobar, iyada oo halkiisii laga sii wadi doono.

Shirkan oo muddo ka badan 10 maalin ka furnaa Muqdisho ayaa muujinaya in uu ku soo idlaaday natiijo la’aan wajigiisa hore, waxaana madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland noqonayaan kuwa dibadda ka jooga.

Ku simaha xoghaya guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo kulamo gaar ah kula galay Muqdisho iyo Kismaayo, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa natiijada kulamadaasi lagu qeexay in looga wada hadlay sidii loo qaban doorashada dowladdu ku adkeysatay ee qof iyo cod.

Puntland oo shirkan masuul ka socda uusan ka soo qeyb galin ayaa iyada oo dibad joog ah ku tilmaantay sida hadalka u dhigtay mid lagu kala irdheynayo Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed