Kooxo hubeysan oo ganacsato ku dishay magaaalada Muqdisho.

Laba nin oo ganacsata ah ayaa koox hubeysan saakay Xaafadda Soonakay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dileen, halka ay ku dhaawaceen mid kale sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan oo deegaanka ah.

Ragga dhimashada iyo dhaawaca loo geystay oo ku sugnaa goobahooda Ganacsiga ayaa waxaa rasaas ku furay kooxda aan heybtooda la aqoon oo goobta isaga baxsaday.

Ruuxa ka bad baaday dilka oo la sheegay in dhaawc adag uu soo gaaray ayaa loo qaaday mid ka mid ah Goobaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray waxaana ay billaabeen howlgallo ay ku raadinayaan kooxdii dilka geysatay ee la sheegay in ay baxsatay ka hor inta aysan goobtu tegin ciidamada.

Dhacdadaan ayaa dad goobjoogayaal ah inoo sheegeen in ay la xariirto in raggan digniino ka heleen kooxdan oo ku aadanaa in ay furaan goobahooda ganacsi Kaamirooyinka (CCTV) oo dowladda Soomaaliya waajib kaga dhigtay goobaha ganacsiga iyo guryaha magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii ugu dambeeyey magaalada Muqdisho oo ka xasilooneyd dilalka ayaa dhacdadaan waxa ay ka dhigeysaa middii labaad muddo ka yar 8 maalmood oo lagu beegsado Ganacsato, iyada oo weerarkii kan ka horreeyay uu ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee degmada Dayniile.

Hay’adaha ammaanka Dowladda Soomaaliya weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo lagu faah-faahiyay dilka iyo dhaawaca ka dhacay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, waxaana socda baaris ay wadaan Ciidamada Dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed