Talyaaniga oo ka hadlay joojinta dal ku galkii ay siin jireen dadka Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga ayaa faahfaahisay sababta ay u joojisay dal ku-galkii lagu bixin jiray basaboorka Soomaaliga kaas oo dhawaan ay safaraadda Talyaaniga ee Muqdisho joojisay.
Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi oo magaalada Rome kula hadlayey wariyaasha ayaa sharaxay sababta ay tallaabadaas u qaadeen.

Saxaafadda madaxabanaan oo su’aalo waydiiyey safiirka ayaa gaashaanka u daruuray in sababta loo joojiyay ay la xiriirto arrimo siyaasadeed.
Wuxuu sheegay in hakinta ay la xiriirto farsamo dhanka maamulka ah ayna Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga ay hadda si toos ah ugu hawlan tahay oo ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku xaliso.

“Maya sax ma ah in sidaa loo dhigo, waa joojin kooban, waana arrin maamul iyo qabanqaabin ku leh waaye, laakiin haba yaraatee wax siyaasad ku lug leh ma ahan waa arrin wasaaradda arrimaha dibadda Talyaaniga ay il gooniya ku hayso ayna sida ugu dhaqsiyaha badan ku xallineyso,” ayuu yiri.

Dowladda Talyaaniga ayaa bishii September joojisay dal ku galka loo yaqaan Schengen ee la siin jiray muwaadiniinta Soomaalida ee doonayo inay u safraan qaaradda Yurub.
Safaaradda Talyaaniga ee Muqdisho ayaa qoraal ay markaas ku daabacday barteeda X (Twitter) ku sheegtay in safaaradda Nairobi ay joojisay soo saarista fiisayaasha ay soo dalbanayaan dadka haysta baasaboorka Soomaaliga.

Qoraalka safaaradda ayaana markaas laguma sheegin sababta loo joojiyay in fiisaha Talyaaniga iyo qaarada yurub. Safaaraddu waxay kaloo qoraalka ku sheegtay inay ogaysiisay wasaaradda arrimaha dibada ee dowladda Federaalka ee Soomaliya.
Bishii Julay ee sanadkan Midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la adkeeyo dal ku galka la siiyo dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga.

Ujeedada talaabooyinkan ayaa lagu sheegay in Soomaaliya culeys lagu saaro in dib loogu soo celiyo dadka aan waddada saxda ah ku gelin dalalka Midowga Yurub.

Goluhu waxa uu u baahan yahay baa lagu yiri warbixintaan, “inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin qorshahaan”.
Soo jeedinta Guddiga Midowga Yurub ayaa waxaa ka mid ah in la adkeeyo Tillaabooyinka dal ku galka lagu siinayo muwaadiniinta Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed