Dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Baran ee gobolka Sanaag oo eedo kulul hawada isu mariyey.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirrir oo ka warbixiyey dhacdadii shalay magaalada Baran ee gobolka Sanaag ka dhacday ayaa sheegay wax dhibaato ah ciidamada aysan ka geysan ayna talada iyo amniga gobolkaasi Puntland ka masuul tahay.

Wasiir Dirrir ayaa sheegay in magaalada ay ku sugan yihiin sida uu hadalka u dhigay koox uu tilmaamay in ay rabsho ka abuurayaan, ayna jirin wax ciidamo ah oo ay Puntland u dirtay Baran.

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo iska fogeeyey eedo ah in ciidamada maamulka in dad rayid ah magaalada ku dileen ayaa carrabaabay in wixii halkaasi ka dhacay uu masuuliyadeeda qaadi doono qofka abaabul dagaal wada.

Dhanka kale, Guddi isku magaacabay dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee gobolka Sanaag oo afkooda uu ku hadlay xildhibaan hore Cabdiraxmaan Maxamuud Dhoorre oo guddoomiye u ah ayaa sheegay in iyaga oo u socda magaalada Baran ay is hor istaag ku saameeyeen sida uu hadalka u dhigay ciidamada Puntland.

Waxaa uu sheegay in ciidamadooda ay iska difaaceen kuwa Puntland oo is hor istaag ku sameeyeen, waxaana uu tilmaamay in uu socdaalkoodu daaranaa in wacyi galin u sameeyaan dadka ay mataalaan oo ay u socdeen.

Waxgaradka iyo odayaasha degmada Baran ayaa dhinaca kale wada waan-waan lagu dejinayo xiisaddii shalay ka dhacday halkaasi islamarkaana lagaga hortagayo in iska hor-imaad iyo rabshado danbe ka dhacaan magaalada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed