Soomaaliya oo deeq waxbarasho bilaash ah siinaysa ardeyda reer Sudan ee dalka ku sugan.

Wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay deeq waxbarasho siinayso 30 Ardayda Suudaan ee qoysaskoodu ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, ka dib markii ay ka soo barakaceen colaadda Suudaan taagan tan iyo bishii April ee sanadkii hore 2023.

Arrintani ayay wasaaraddu ku sheegtay mid qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo iskaashiga aqooneed iyo dhaqan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan taasi oo wasaaraddu sheegtay in ay fursad cusub siinayso ardayda labada waddan.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Suudaan ayaa ka mid aheyd dalalka deeqaha waxbarasho ugu yaboohay Ardayda Soomaaliyeed, ka dib burburkii dowladdii dhexe, halkaasi oo kumanaan arday ay jaamacadaha dalkaas ku soo waxbarteen wixii ka dambeeyay 1991-kii.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed