Shiinuhu ma wuxuu qorsheynayaa in uu ciidamo u diro Lubnaan?

Dawlada Shiinaha ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in ay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo ammaanka ciidamadooda nabad ilaalinta ah ee qeybta ka ah Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Lubnaan, ka dib weerarro ay Israa’iil ku beegsatay hawlgalka magaciisa loo soo gaabiyo UNIFIL, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga dalka Shiinaha, Mr. Wu Qian ayaa sheegay in ciidamada nabad ilaalinta Shiinaha ee UNIFIL qaybta ka ah ay “ammaan yihiin hadda” isla markaana Beijing ay “si dhow ula socoto xaaladda ammaanka”.

Afhayeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Waxaan qaadi doonaa tallaabooyin dheeri ah si aan u xoojino ilaalinta ammaanka ciidamadeenna,”
Mr. Wu ayaa intaa ku daray in Beijing ay “si dhab ah uga walaacsan tahay oo ay si adag u cambaaraynayso” weerarka milatariga Israa’iil ee lagu qaaday ciidamada UNIFIL.

“Waxaan u baahannahay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo dhacdadaas, laguna xisaabtamo ciddii mas’uul ka ahayd, waxaan u soo jeedineynaa dhinacyada ay khuseyso in ay qaadaan tallaabo dhab ah oo looga hortagayo in mar kale ay dhacdo dhacdan oo kale. “ayuu yiri Wu.

Toddobaadkii hore, afar ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee UNIFIL ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay ciidamada Israa’iil ku garaaceen fariisimo ay ku lahaayeen koonfurta Lubnaan.

UNIFIL waa ciidan ku meel gaar ah oo loo aasaasay 1978, si ay gacan uga geysato soo celinta nabadda gobolka iyo xaqiijinta ka bixitaanka Israel ee Lubnaan.

Ciidamada UNIFIL ee ka socda Qaramada Midoobay ayaa tiradoodu ay tahay 10,500 oo askari, waxaana ay ka socdaan 50 dal oo caalamka ka tirsan. Shiinaha waxaa ka socda in ka badan 400 oo askari sida ay muujinayso xogta Qaramada Midoobay.

Israa’iil ayaa tan iyo 23-kii Sebtembar waxa ay ka waday Lubnaan duqeymo ba’an oo xagga cirka ah oo ka dhan ah waxa ay ku sheegtay Xisbullah, oo ay ku dishay ugu yaraan 1,500 oo qof, ayna ku dhaawacmeen in ka badan 4,500 oo kale, ayna ku barakaceen in ka badan 1.3 milyan oo qof.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed