Dagaal beeleed sabaabay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Mudug.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyay ilaa 4 ruux ayaa ku geeriyootay 11 kalena way ku dhaawacmen dagaal beeleedka maanta ka dhacay tuulooyin hoostaga deegaanka Docoleey ee gobolka Mudug.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xoogan ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo kala dega Cadaado iyo Gaalkacyo, waxaana la sheegay iin uu ka bilaawday muran la xariira la haanshiyaha dhul daaqsimeed halkaasi ku yaala.

Ilaa hadda, wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaal beeleedkaan maanta dhacay halkaasi ee sababay khasaraaha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca ma jirto.

Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyada dhexmara qaar ka mid ah beelaha kala duwan ee halkaasi wada daga, kuwaas oo intooda badan isku qabsada murun la xariira la haanshiyo dhuleed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed