Banaanbaxyo rabshada wata oo ka dhacay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool.

Banaanbaxyo rabashado wata ayaa maanta ka dhacay magaalada Xuddur ee gobolka Bakool, inkasta oo aysan jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay.

Muuqaalo laga soo duubay meelaha ay banaanbaxyadu maanta ka dheceen Xuddur ayaa muujinaya taayero lagu gubay wadada weyn ee bartamaha magaalada, taas oo sababtay in hakad uu ku yimaado wakhti kooban ganacsiga iyo isku socodka.

Ciidamada booliiska iyo kuwa meleteriga ee magaalada oo soo gaaray goobta banaanbaxyadu ka socdeen kala diray dadka, iyada oo goobta xaaladadeedu si caadi ah ku soo laabatay sida ilo wareedyo ku sugan Xuddur ay inoo xaqiijiyeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed