Koonfur galbeed oo kala diratay Maamulkii degmada Xuddur iyada oo ka hor yimid go’aankaasi

Maamulka degmada Xudur iyo xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmadaas oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo dib u heshiisinta KoonfurGalbeed ayaa ku dhawaaqday in la kala diray ayaa maanta shir jara’id oo ay ku qabteen magaalada

Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Cabdullaahi Xaaji Xasan oo amarkan kala dirista ah ka soo baxay ayaa sheegay in uu go’aankaan u cuksaday (sharciga no.10) qodobkiisa 15-aad farqadiisa 1-aad xarafka (T) iyo farqadiisa (2aad).

Waxaa uu sheegay in go’aankan uu yimid ka dib markii uu ku sifoobay “wadashaqeyn la’aan Maamulka gabolka Bakool iyo kan Degmada Huddur” sidaas awgeed laga billaabo maanta sida uu hadalka u dhigay uu kala diray.

Dhanka kale, Xubnaha la kala diray oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka hor yimid tallaabadaas, waxaana ay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ku eedeeyeen in uu khatar ku yahay sida hadalka ay u dhigeen nabadgalyada ka jirta degmada Xudur.

Cumar Cabdulaahi Maxamuud Guddoomiyaha degmada Xudur , ku xigeennadiisa 1-aad Cali Xuseen Xasan, iyo 2-aad Raxmo Nuur Adan oo ay wehliyaan xubnaha Golaha Deegaanka ayaa si cad uga hor yimid go’aanka kala dirista ah.

Dadka ka aragti dhiibtay arinkan khilaafka is diidan ee ka dhex taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo kan degmada Xuddur ayaa ku sifeeyey mid jahwareer ganaya waxqabadkii iyo deganaantii halkaasi ka jirtay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed