Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Xarunta Wasaaradda kula kulmay Siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Cammaar Axmed Babiker, waxyaabaha looga wada hadlay ayaana lagu sheegay isbedellada gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jiraan xaaladda ka socota Suudaan.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa diiradda lagu saaray xiriirka xooggan ee taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyada oo laga wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyey sida la sheegay in muhiimadda ay leedahay in la sii qoto dheereeyo xiriirka laba geesoodka ah iyo hagaajinta isku xirka arrimaha danaha labada dhinac oo ay ku jiraan sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa.
Wadahadalka ayaa waxa sida oo kale la isku soo hadal qaatay isbedellada gobolka iyo kuwa caalamiga ah oo ay ku jiraan xaaladda ka socota Suudaan.
Danjire Fiqi ayaa muujiyay in Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Suudaan, waxaana kulanka qeyb ka haa Madaxda sare ee Wasaaradda.
HBN ONLINE TV