Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee Danab iyo ciidamada kala duwan ee Jubbaland ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degaano katirsan gobolka Jubbada hoose ay burbuiyeen fariisimo kooxda Alshabaab. Howlgalada ayey tilmaamayeen in ay kula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen kooxda Alshabaab.
Howlgaladda oo saacado qaatay ayaa saraakiisha huggaamineyey sheegeen in lagu qabsaday qaar ka mid deegaannada ay gacanta ku hayeen kooxda, waxaana ka mid ah Qudus Aboodey, Sariiraha iyo Yaaq-babeel.
Taliye ku xigeenka ururka 162-aad ee sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Cabdirisaaq Maxamed Cismaaciil ayaa sheegay in howlgalada ay ka socdaan deegaano hoostaga degmada Kismaayo, isaga oo tilmaamay in ay sii soco doonaan.
Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay scodaan abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda, kuwaa oo ku sugan deegaano badan oo Koonfur Soomaaliya ah.
HBN ONLINE TV

