Hay’adda Duulista Soomaaliya oo ka mamnuucay diyaaradaha Drones-ka ah aagga Garoonka Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay diyaaradaha aan duulliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan in loo dhaweeyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegtay in fogaan dhan 5 Cabirka dhinaca hawada ah (Nautical Mile) oo dhan weliba ah in aanay loogu soo dhaweyn karin Diyaaradahaas Drones-ka ah.

Hay’addu waxa ay sheegtay in marka laga reebo Diyaarado Bilaa Duulliye ah oo ka diiwaangashan ama ka warqabto Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed sida lagu yiri qoraalkaan oo faafinta rasmiga ah maanta la geliyay.

“Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) waa laga mamnuucay agagaarka garoonka Aadan Cabdulle ee Caalamiga ah masaafo dhan 5 Nautical Mile oo dhan walba, marka laga reebo kuwa ka haysta ogolaanshaha Hay’adda Duuulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS)” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Duullista Rayidka Soomaaliyeed.

Sida oo kale warbixinta ka soo baxday Hay’adda ayaa la sii raaciyey “dhammaan isticmaalayaasha in lagu wargeliyay in ay isticmaalaan xogtan” iyada oo ay tilmaantay haddii aan la isticmaalin xogtan in aysan mas’uul ka noqon doonin Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed