Gobolka Galgaduud waxaa ka socda abaabulka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, kaasi oo ay wadaan saraakiil sare oo katirsan Ciidanka Xoogga oo fadhiyo kala duwan la qaatay hoggaanka ciidanka loo diyaariyay duullaankaas.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa deegaanka Waniile oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka sameeyay kulamo wadatashi ah oo la yeelanayey saraakiisha ciidamada si ay ugu diyaar garoobaan dagaalak dhan ka ah sida la sheegay kooxda Alshabaab.
Natiijada ka soo baxday kulamadaas ayaa sida la carrabaabay ayaa ah in ciidamada xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ay weerarro ku qaadaan goobaha ay joogaan Alshabaab, si gacantooda dib ugu soo gasho sida hadalka loo dhigay lana gaarsiiyo adeegyada Bulshadu u baahan tahay.
Sarreeye Guuto Dayax ayaa saraakiisha hoggaanka u ah Ciidamadaan howlgallada wada kula dardaarmay sida lagu yiri hadalka ka soo baxay dowaldda in ay xoojiyaan wadashaqeyntooda iyo isku xirkooda si loo xaqiijiyo guulaha dagalladaas ay ka gaaraan.
Todobaadkii tegay waxaa deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud ka dhacay howlgallo duqeymo ah oo Dowladdu sheegtay in lagu beegsaday xubno katirsan Alshabaab, isla markaana lagu burburiyay saldhigyadooda.
Waxaa dhanka kale abaabul ciidan wada ciidamo isugu jira kuwa Federaalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda si ay gudaha ugu galaan deegaannada la duqeeyay sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.
HBN ONLINE TV